Sidee loosoo Celiyaa Falaash fayras kaa qariyey

sidee loosoo celiyaa falaash kaa dhuntay.

Sidee loo soo celiyaaa falaashta marka virus kaa cuno faylasheeda. marar badan ayey dhacdaa in falaash xog muhiim ah kuugu jirto uu virus kaa qariyo isla markaana aad is weydiisid ma la soo celin karaa tolow?.

Waxaa dad badan ay ku dhahayaan isticmaal USB show oo ah program kuu fududeynaya inaad soo saartid faylashaada.

Markasta ma haysatid USB show sidaa darteed waxaan go’aan saday inaan idinla wadaago qaab sahlan oo aad kusoo ceshan kartid adigoo isticmaalaya computerkaaga kali ah.

haddab si aad u soo celiso raac talaabooyinkaan. Fadlan taxadar muuji waayo ma shaqaynayaan haddadan si wanaagsan ula socon.

Step 1: ka raadi computerkaaga CMD ka dibna ku dhufo. fadlan meesha wax laga baaro ka baar si aad u hesho shaashada madow ee command prompt.

sidee loosoo celiyaa falaash dhuntay

Step 2: marka CMD kuusoo kaco hubso in falaashtaad ay soo qabsatay badanaa waxay soo qabsataa drive-yada (E:) ama (F:) hubso drive-ka ay ku jirto

sidee loosoo celiyaa falaash dhuntay

Step 3: ka dib ku qor  F: ama E: hadba midka ay ku jirto oo enter dheh. fadlan si dheer u hubi drive-ka ay ku jirto. tusaale ahaan waxaad arkaysaa “magaca falaashta (E:)” u qoran marka waxa aan rabno ma ahan magaca falaashta ee waa xarafka ku horqoran. wuxuuna noqon karaa xarfaha aan ka ahayn C: iyo D:  inta badan.

sidee loo soo celiyaa falaash dhuntay CMD

Step : 4 kadib qor attrib -s -h -r /d /s oo enter dheh. Fadlan dhug u yeelo space-yada iyo xarfaha sida ay iskugu xigaan waxaa laga yaabaa inay wax kaa qaldamaan.

attribute file edit commands

Step 5: ka dibna soo fur falaashtaada oo fiiri inay soo noqotay isla markaana waqtigaaga muhiimka ah qaado.

intaas marka aad samayso  waxaad taqaan sidee usoo celin lahaa falaash iga qarsoontay. Sii bar dadka oo hakala baqaylin.

Haddii ay kugu adkaato sidee loosoo celiyaa markasta waxaa kuu jooga maskax.com iyo kooxda faraha fudud ee hogaamiya ha ilaawin inaad hoos kusoo qortid dhibtaada.

maskax.com waxaa ka go’an inay idinla wadaagto xog kasta oo idinka haqab tiraysa cilmi iyo caqlina idiin soo kordhinaysa.

haddii aad rabto inaad dhowr commands baratid halkaan ka fiiri qormo yar ama qaybta labaad halkaan ka fiiri.