Waa Maxay Fayrska WannaCry, Sideese u Shaqeeyaa?

Sawirka-fayraska-WannaCryWannaCry waa nooc ka mid ah fayrasyada madax furashada, waxayna ku dhufteen ayaan dhoweyd shirkado waaweyn iyo xarumo dowladeed oo ku yaal meelo ka mid ah yurub, shiinaha, ruusha iyo Maraykanka.

Fayarasyadda madax furasha waa nooc ka mid ah sooftiweerada wax qariba kuwaas qofka u diida inuu isticmaalo kumbuyuutarkiisa isla markaana ugu goodiya inay tirtirayaan xogtiiisa iyo faylasha ugu jira.
Side u shaqeeyaa WannaCry?

Fayraskan ayaa maldaha xogta kuugu jirta kumbuyuutarka uu ku dhacay isaga oo qofka u qabanaya ruuxa mudo inuu ku bixiyo lacag cayiman haddii kale laga tirtirayo.
Lacagta uu dalbanayo ayaa lagu qaadayaa qaab loo yaqaan Bitcoin oo ah qaab danabeed.
Ma ka nabadgali kartaa fayraskaan?
Sida laga soo xigtay Microsoft, haddii kumbuyuutarkaaga uu ku shaqeeyo Windows XP ama Windows 8 waxaad u tahay daleel in uu ku haleelo balse haddii aad adeegsanayso windows Vista, Windows 8.1, windows 7 ama windows 10 waxaa kugu filan oo kali ah inaad update garaysid.
Haddii uu kugu dhaco fayruuskan waxaad si toos ah ula soo xiriiri kartaa shirkadda Maskax Tech si ay talo kaaga siiso.

Imtixaan Walba Sidee Loogu Gudbaa si fudud

imtixaan sawir muujinaya

Dad badan ayaa waxaa dhibi ka qabsataa ama ku adkaataa sidii ay u gudbi lahaayeen imtixaan kasta oo ay galaan. Dadkaasi ha u galaan imtixaanka dugsiga sare, jaamacad, xirfad iyo shaqooyin.

dadka caynkaas ah waxaa la arkaa inay helaan natiijooyin hooseeya imtixaan walba oo ay galaan ha adkaado ama ha fududaado.

Maskax.com oo kaashanaysa khibradeeda iyo cilmi baarisyo ay samaysay waxay idiin soo gudbinaysaa sidii aad ku gudbi lahaydeen imtixaan kasta oo aad gashid si kasta ha u adkaadee.

Waxaan kuusoo bandhigaynaa talaabooyin kala duwan oo ay tahay inaad raacdid si aadan ugu jahawareerin qoraalkaan laftigiisa.

Marka hore dhowr daqiiqo qaado oo naftaada qiimee su’aalahaana ka jawaab

  • Ma welweshaa daqiiqadaha ka horeeya imtixaanka?
  • Ma dareentaa quus iyo in wax weyn kaa maqanyihiin?
  • Qiyaas ma kasii bixisaa su’aalaha kuu imaan doona?
  • Diyaargarowgaaga ma dhaliishaa waqtiga ka horeeya imtixaanka?
  • Cida imtixaanka kaa qaadaysa ma canaanataa inaysan keenin imtixaan xaq ku salaysan?

haddii aad haa uga jawaabtay mid ka mid ah su’aalahaas xalkaagu waa fududyahay. ¬†Fadlan raac talaabooyinkaan si aysan mar labaad kuugu dhicin dhibaatadaan oo kale. Continue reading “Imtixaan Walba Sidee Loogu Gudbaa si fudud”