Waa Maxay Fayrska WannaCry, Sideese u Shaqeeyaa?

Sawirka-fayraska-WannaCryWannaCry waa nooc ka mid ah fayrasyada madax furashada, waxayna ku dhufteen ayaan dhoweyd shirkado waaweyn iyo xarumo dowladeed oo ku yaal meelo ka mid ah yurub, shiinaha, ruusha iyo Maraykanka.

Fayarasyadda madax furasha waa nooc ka mid ah sooftiweerada wax qariba kuwaas qofka u diida inuu isticmaalo kumbuyuutarkiisa isla markaana ugu goodiya inay tirtirayaan xogtiiisa iyo faylasha ugu jira.
Side u shaqeeyaa WannaCry?

Fayraskan ayaa maldaha xogta kuugu jirta kumbuyuutarka uu ku dhacay isaga oo qofka u qabanaya ruuxa mudo inuu ku bixiyo lacag cayiman haddii kale laga tirtirayo.
Lacagta uu dalbanayo ayaa lagu qaadayaa qaab loo yaqaan Bitcoin oo ah qaab danabeed.
Ma ka nabadgali kartaa fayraskaan?
Sida laga soo xigtay Microsoft, haddii kumbuyuutarkaaga uu ku shaqeeyo Windows XP ama Windows 8 waxaad u tahay daleel in uu ku haleelo balse haddii aad adeegsanayso windows Vista, Windows 8.1, windows 7 ama windows 10 waxaa kugu filan oo kali ah inaad update garaysid.
Haddii uu kugu dhaco fayruuskan waxaad si toos ah ula soo xiriiri kartaa shirkadda Maskax Tech si ay talo kaaga siiso.

MACLUUMAAD FACEBOOK LAGA QORAY.

faceboogu wxu noqday mid kamida baraha bulshadu ku xiriirtu kuwooda loogu isticmaalka badanyahay..
hadaba macluumaad badan oo laga qoray waxa ka mid ah.

1. Dadka ku soo biira facebuuga halkii ilbiriqsi waxaa lagu qiyasaa ilaa 8 ruux taasoo macneheedu yahay in ay maalintii kusoo biiraan barta facebuuga 691,200 maalintii.

2. Midabka buluuga ah ee facebooga midab ahaan loogu doortay waxay ka dhalatay in miilkilaha facebook-ga ee Mark Zuckerberg ay iskaga khaldamaan midabadu, midabka kaliya ee uu si fiican u arkana uu yahay midabka baluugga ah ee hada uu leeyahay facebook-gu.

3. Wejigii ugu horreyay ee ka soo muuqda facebook-ga wuxu ahaa sawirka AL PACINO oo ah nin caana oo jilaaya waxaana si tijaaba u soo dhigay dadkii ku guda jiray samaynta facebook-ga

4. Waxa maalinti facebook-ga la soo dhigaa 250 milyan photo tirakoob la sameeyay dabayaqadii sanadkii la soo dhaafay taasoo macneheedu yahay in halkii ilbiriqsi (second) lagu baahiyo 4000 sawir barta facebook-ga…

5. 2006 wxay YAHOO usoo bandhigtay miilkilaha shabakada facebook-ga ee MARK lacag gaaraysa milyar barkeed (1.5 billion) isagoo sheegay inuusan garanayn wuxu ku sameeyo lacagtaas isagoo markaa 22 jir ahaa, maantana wxa lagu qiimeeyaa qiimaha facebook-ga ku dhawaad 135 milyaar (135 billion).

fikirkaaga waa muhiim.