Imtixaan Walba Sidee Loogu Gudbaa si fudud

Dad badan ayaa waxaa dhibi ka qabsataa ama ku adkaataa sidii ay u gudbi lahaayeen imtixaan kasta oo ay galaan. Dadkaasi ha u galaan imtixaanka dugsiga sare, jaamacad, xirfad iyo shaqooyin.

dadka caynkaas ah waxaa la arkaa inay helaan natiijooyin hooseeya imtixaan walba oo ay galaan ha adkaado ama ha fududaado.

Maskax.com oo kaashanaysa khibradeeda iyo cilmi baarisyo ay samaysay waxay idiin soo gudbinaysaa sidii aad ku gudbi lahaydeen imtixaan kasta oo aad gashid si kasta ha u adkaadee.

Waxaan kuusoo bandhigaynaa talaabooyin kala duwan oo ay tahay inaad raacdid si aadan ugu jahawareerin qoraalkaan laftigiisa.

Marka hore dhowr daqiiqo qaado oo naftaada qiimee su’aalahaana ka jawaab

  • Ma welweshaa daqiiqadaha ka horeeya imtixaanka?
  • Ma dareentaa quus iyo in wax weyn kaa maqanyihiin?
  • Qiyaas ma kasii bixisaa su’aalaha kuu imaan doona?
  • Diyaargarowgaaga ma dhaliishaa waqtiga ka horeeya imtixaanka?
  • Cida imtixaanka kaa qaadaysa ma canaanataa inaysan keenin imtixaan xaq ku salaysan?

haddii aad haa uga jawaabtay mid ka mid ah su’aalahaas xalkaagu waa fududyahay.  Fadlan raac talaabooyinkaan si aysan mar labaad kuugu dhicin dhibaatadaan oo kale.

Talaabada 1aad: Diyaar Garow imtixaan-ka

Marka hore qorshee oo kala jejebi waajibaadka lagaa sugayo adiga oo u kala diyaarsanaya sida ay u kala horeeyaa.

Si aad u gaarto diyaar garow dhamaystiran fadlan raac talaabooyinkan hoose.

  • Cinwaanada cutubyada lagaa doonayo waa inaad dusha ka taqaan.

Sababta ay tahay inaad cinwaanada u xusuusatid waa inaadan isku dhex khaldin mowduuca markaas su’aasha lagaa weydiiyey iyo mowduucyada kale ee la xiriira.

Si durbadiiba aad jawaab saxan u soo tuurtid haddii aad horay u taqaanay ama waqti badan uusan kaaga dumin haddii aadan aqoon dheeraad ah u lahayn kala astayso cinwaanada imtixaanku ka imaanayo.

  • Ha xifdin casharada lagaa sugayo ee baro

markasta ka fogow inaad dusha ka xifdiso casharada lagaa sugayo inaad imtixaan ku gasho taas bedelkeeda mowduuc kasta u samayso qaab adigu aad ula dagaalanto oo aad wax badan ka fahanto si aad uga hortagto su’aalaha aan tooska ahayn.

  • Marka aad imtixaanka diyaarsanayso ha isku koobin hal buug ama qoraal laguu diray

dad badan waxaa ka reeba imtixaanada waa iyaga oo isku kooba buug loo dejiyey ama warqado ay u diyaariyeen barayaashoodu taasina waxay sababtaa ardaygu inuu ka caajiso kororsiga cilmi dheeraad ah.

Talaabada labaad: Yaree Welwelka imtixaan-ka

marka aad soo gasho ama ay dhowdahay waqtiga aad u fariisanayso imtixaanka yaree inaad ka fekerto oo aad ka cabsato imtixaanka. Welwelka laga qaado imtixaanku waxay keentaa inaad guud ahaan ka jeensato inaad xooga saarto xusuusashada iyo isku dejinta wixii aad soo akhrisatay. Taas bedelkeeda waxaad marwalba maskaxda ku haynaysaa baqdinta imtixaanka.

si aad u yarayso baqdinta raac talaabooyinkaan

  • Niyada uga sheekee in imtixaanku yahay mid fudud oo aan dhibaato lahayn

Si arintaani u dhacdo waxay u baahantahay khibrad iyo ku tababarasho haddaba haddii aad tahay qof ka welwela imtixaanka ku qanci naftaada inaad gaari karto meel kastoo aad higsanayso.

  • Ka fogow daqiiqadaha imtixaanka ka horeeya inaad hadba cutub u boodo

Dad badan ayaa waxay isku dayaan inay daqiiqadaha imtixaanka la gelayo akhriyaan cutubyo kala duwan.

Kuma lihin waxba ha akhrin balse si aad u yarayso jahawareerka isku day inaad indhaha mariso cutubyada aad ka shakisantahay ama kaaga baahan xusuus gaar ah.

  • 30 daqiiqo ka hor imtixaanka jooji cuntada iyo cabida

dad badan ayaa sameeya inay xanjo ku dhex ruugaan imtixaanaadka.

Cilmi baaris kooban [indho indhayn] aan samaynay ayaan ku ogaanay in xiriir ka dhexeeyo ruugida xanjada iyo haraadka qofku dareemo inta imtixaanka lagu gudo jiro.

haddaba iska ilaali cuntada iyo cabitaanka dhowrka daqiiqo ee imtixaank ka horaysa.

Talaabada 3aad: Sidee Loo Uruursadaa Dhibcaha ugu Badan ee Imtixaan-ka

Waxaa laga yaabaa inaad aragto dad aan waxbadan akhrin oo misana kaa sara maraya imtixaanaadka.

Waxaa markaas suurto gal ah inaad aaminto inay kaa garaad badanyihiin. Sidaas ma ahan ee adiguna waad gaari kartaa heerkaas oo kale.

Si aad u hesho dhibcaha ugu badan raac talaabooyinkaan.

  • Dooro su’aalaha aad ka jawaabaysid

Si aadan u niyad jabin ama uusan waqtigu kaaga dhicin isku day inaad akhriso dhammaan su’aalaha meesha kuugu yaala.

Tobonka daqiiqo ee ugu horeeya waxkale ha ku mashquulin si taxadar leh u akhri dhammaan su’aalaha. sababta aan kuu leeyahay midaasna waxa ay tahay:

  1. Waxaad sii qiyaasan kartaa waxa aad garanayso,
  2. waxaad niyada ku haynaysaa waxa aadan garanayn
  • Su’aal aadan ka jawaabin haka tegin imtixaan-ka

isku day inaad su’aal walba oo imtixaanka ku timaada aad ka jawaabto adigoo ka qoraya waxa ugu badan ee aad ka fahansantahay mowduucaas.

  • Ha qaargoyn jawaabaha imtixaan-ka

dhibaatada ugu badan aan aragno waxaa ka mid ah su’aalo qaar go’an oo aan is haysan. Jawaabtaadu haba khaldanaatee ku dedaal inaadan qaargoyn oo aan dhamaystirto.

  • Ha isku deyin inaad khiyaanto saxaha imtixaan-ka

Jawaabaha ku salaysan khiyaano ama farsamo waligood kuuma goynayaan dhibco fiican ee ka fogow inta goori goor tahay.

 

Haddii aad isku daydid talaabooyinkaas si wacan dhug ugu yeelato waxaa hubaal ah inaad gaarayso natiijo waxku ool ah.

La soco qaybaha danbe. Wixii talo ahna noogu reeb hoos ama halkaan nagala soo xiriir adiga oo mahadsan.

info@maskax.com

>Maskax.com|

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *