Indho Indhayn Golaha Wasiiradda Somalia

Markii lagu dhawaaqay Golaha Wasiiradda waxaa isla markiiba soo shaac baxday aragtiyo kala duwan oo shacabka Soomaaliyeed.

Dadka qaar waxay ku andacoonayaan in dowladaani tahay midii Damuljadiid oo aan biyo ismarin dadka qaarna waxay ku andacoonyaan xukuumadani aysan uba dhawayn dhinaca tayadda dowladii ka horeysay ee Xasan Sheikh Madaxda ka ahaa.

Iyada oo taasi jirto ayaan waxaan samaynay indho indhayn la xiriirta miisaanka wasiiradda iyo sida loogu qaybiyey degaanada waxaana noo soo baxday in

  • Xaglin weyn loo sameeyey maamuladda Puntland iyo Somaliland taasna waxaa la oran karaa waa siyaasad soo dhoweysasho ah oo uu ku qancinayo siib puntland maadaamo shaki hor jiray oo ah in farmaajo aan la tusi karin maamulkaas.
  • jubbaland aan wax weyn laga soo qaadin taas oo dhalin karta in sheikh axmed Madoobe ka carroodo arintaas.
  • Galmudug miisaankii uu meesha ka baxay ama aan laga dareemin saaxadda.
  • Xubanaha ugu badan laga soo xulay baarlamaanka sidaas ay ku noqonayaan laba shaatilayaal oo xilkaba laga yaabo inuusan cuslayn.
  • Wasaaradda Arimaha guddaha iyo maamulka Xamar oo lakala fogeeyey isla markaana taasi ay saamayn ku yeelan doonto magacaabista gudoomiyayaasha degmooyinka ee xamar.

Intaas oo ah qodobadda ugu xiisaha badan ee aan ka dareemi karno waxaa arkaysaa dad badan oo durba kuu sheegaya in mucaaridnimo farmaajo ay si sahlan ku bilaabmi karto taasna waxaad moodaa inay degdeg tahay weli.

Si kastaba ha ahaatee waxaa lagama maarmaan ah in dowladdan ay la kulmi doonto caqabado waaweyn oo dhinac kasta ah ha noqoto mid kaga timaada qabiiladda ama maamul goboleedyada intaba.

Caqabadahaas si ay uga gudubto waxaa lama huraan ah in xukuumadda farmaajo ay suurto geliso himiladda shacabka ee ah in dowladu ay tahay dowladii dhibaatada kasaari lahayd bulshadda ayna la timaado hufnaan iyo caddaalad iyaddoo u dhex noqonaysa dhammaan umadda Somaliyeed meelkasta ay joogaan,

Haddii xukuumadu lixda bilood ee hore ay ku shaqayso sidii ay shacabku ka filayeen waxaa muuqan doonta in guusha sannadaha danbe ay sahlanaan doonto maadaama dadka Somalida ahi ay wax ku qiyaasaan dhowrka bilood ee hore.

 

Fikirka waxa uu u gaaryahay Qoraha ku saxiixan.

Abdimallow  is a Senior Business Journalist and editor in cheif of Maskax.com.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *