Imtixaan Walba Sidee Loogu Gudbaa si fudud

imtixaan sawir muujinaya

Dad badan ayaa waxaa dhibi ka qabsataa ama ku adkaataa sidii ay u gudbi lahaayeen imtixaan kasta oo ay galaan. Dadkaasi ha u galaan imtixaanka dugsiga sare, jaamacad, xirfad iyo shaqooyin.

dadka caynkaas ah waxaa la arkaa inay helaan natiijooyin hooseeya imtixaan walba oo ay galaan ha adkaado ama ha fududaado.

Maskax.com oo kaashanaysa khibradeeda iyo cilmi baarisyo ay samaysay waxay idiin soo gudbinaysaa sidii aad ku gudbi lahaydeen imtixaan kasta oo aad gashid si kasta ha u adkaadee.

Waxaan kuusoo bandhigaynaa talaabooyin kala duwan oo ay tahay inaad raacdid si aadan ugu jahawareerin qoraalkaan laftigiisa.

Marka hore dhowr daqiiqo qaado oo naftaada qiimee su’aalahaana ka jawaab

  • Ma welweshaa daqiiqadaha ka horeeya imtixaanka?
  • Ma dareentaa quus iyo in wax weyn kaa maqanyihiin?
  • Qiyaas ma kasii bixisaa su’aalaha kuu imaan doona?
  • Diyaargarowgaaga ma dhaliishaa waqtiga ka horeeya imtixaanka?
  • Cida imtixaanka kaa qaadaysa ma canaanataa inaysan keenin imtixaan xaq ku salaysan?

haddii aad haa uga jawaabtay mid ka mid ah su’aalahaas xalkaagu waa fududyahay. ¬†Fadlan raac talaabooyinkaan si aysan mar labaad kuugu dhicin dhibaatadaan oo kale. Continue reading “Imtixaan Walba Sidee Loogu Gudbaa si fudud”